U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay oo Talaado ah waxa ay howlgallo ballaaran ka wadaan suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan oo xalay billaabay howlgalkaan ayaa waxay xireen dhammaaan waddooyinka gala Suuqaasi, iyaga oo xaafado halkaasi ku yaalla baaraya.

Waxaa shacabka loo diidayaa iney maraan dhammaan waddooyinka galaya Bakaaro, waxaana la arkayaa dad badan oo buux dhaafiyey hareeraha waddooyinkaasi.

Dad ku sugan gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa inoo xaqiijiyey in howlgalkaan ay ciidanka ku qabteen dad badan, kuwaasi oo baaritaan lagu hayo.

Lama oga ulajeedka rasmiga ah ee ka dambeysa howlgalkaan, balse ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa mararka qaar Muqdisho ka sameeya howlgallo sidan oo kale ah, ,mana jirto wax hadal ah oo arrintan ay ka bixiyeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalladan.

Guud ahaan Ganacsiga suuqa Bakaaraha ayaa ah mid hakad ku jira oo aan shaqeyneyn, iyadoo la ogyahay in Suuqa Bakaaraha yahay kan ugu weyn Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News