U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlgallo Waddo Furis Ah Ka Bilaabay Hiiraan

Sheeko:Dalka

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa howlgallo waddo furis ah waxay ka bilaabeen inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Baladweyne ee Hiiraan.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Dabaashe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladan ay u socdaan sidii loogu talogalay, islamarkaana ay  Al-shabaab ka saareen deegaanno ay ku dhuumanayeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay inaanu jirin wax iska horimaad ah oo ay Al-shabaab kala horyimaadeen ciidamada howlgalka wada.

“Ciidamada waxay ku baxeen deegaanno badan oo u dhaxeeya B/weyne iyo Maxaas, nimankii nabad diidka ahaa wey kala carareen oo nin walbo meeshii uu aadi karo ayuu afka aadiyay, ma jirto wax dhib ah oo ay ciidamada la kulmeen, magaca Al-shabaab ayaana laga ilaabi doonaan guud ahaan Soomaaliya” ayuu yiri Afhayeen Dabaashe.

Xarakada Al-shabaab ayaa go’doomiyey deegaanno badan oo gobolka Hiiraan ah, iyadoo sidan oo  kale ay marar badan howlgallo waddo furis ah u sameeyeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News