U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Kala Dhexgalay Maleeshiyaad Isku Hayey B/weyne

Sheeko:Dalka

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ayaa gaaray xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baladweyne halkaas oo 24-kii saac ee la soo dhaafay oo laga baqanayay inuu ka dhaco dagaal qabaa’il.

Malleeshiyo beeleed wada deggan dhanka galbeed ee Hiiraan ayaa magaalada Baladweyne gaar ahaan xaafadda Howlwadaag ka waday dhaqadhaqaaqyo dagaal iyo hub isu gurasho taas oo daba socota dilal aanooyin qabiil ah oo labada beelood ku dhexmaray baadiyaha magaalada.

Nabadoon Cumar Cabdullaahi Cali oo kamid ah odayaasha degaanka ayaa u sheegay Goobjoog News in ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ay ka hortageen dagaal beeleed ka dhici lahaa dhanka galbeed ee Baladweyne.

“Hadda xaaladdu waa ka wanaagsan tahay sidii hore, ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa xaqiijinaya ammaanka waxaana isku dayaynaa in wax walba laga wada heshiiyo si looga baaqsado colaad” ayuu yiri.

Odaygaas ayaa sidoo kale sheegay in ay isku diyaarinayaan sidii loo billaabi lahaa dadaallo nabadeed oo xal loogu raadinayo waxyaabaha ay kala tabanayaan labada beelood.

Dhinacyada dirirsan ayuu ugu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan oo wax walba oo la isku heysto ama la kala tabanayo miiska wada hadalka lagu xalliyo.

Maalmihii la soo dhaafay dhanka galbeed ee magaalada Baladweyne waxaa ka dhacayay dilal lagu sheegay inay ahaayeen aanooyin qabiil kuwaas oo daba socda colaad labadaan beelood ku dhexmaraysa baadiyaha duleedka Baladweyne gaar ahaan dhanka galbeed ee gobalka Hiiraan.

Goobjoog News