U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo La Wareegay Degmada Aadan Yabaal, Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabellaha dhexe ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta degmadaasi.

Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay inay faarujiyeen degmadaasi, waxaana dagaal la’aan ku qabsaday degmadaasi ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dad ku sugan degmada Aadan Yabaal oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxay sheegeen in xaaladda ay tahay mid deggan islamarkaana ay socdaan dhaqdhaqaaqyo ay wadaan ciidanka dowladda.

Waxay ciidamadan la wareegay degmada Aadan Yabaal la sheegay inay halkaasi ka sameysanayaan difaacyo ciidan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News