U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo si buuxda ula wareegay Baraawe

Sheeko:Dalka

baraawe

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay waaaberigii la wareegay gacan ku haynta magaalada Baraawe oo ah magaalada ay xarakada Al-shabaab ugu xoo badnaayeen oo ay maamulaan.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya  AMISOM ayaa dhowr maalin ku hareereysnaa  magaaladaasi oo xarakada Al-shabaab ay beneeyeen dhowr maalin ka hor.

Waxaa la sheegay in shalay galab dagaal uu ka dhacay meel ku dhow Baraawe sida wararku sheegayaan laakiin ciidamada lugta ee AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka gudaha u galay magaalada.

Guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose Cabdulqaadir Siidii ayaa u xaqiijiyay laanta af soomaaliga ee BBC qabsashada magaalada Baraawe, wuxuuna sheegay in uu ku sugan yahay bartamaha Baraawe.

Al-shabaab ayaa la sheegayaa in ay dhaqaale ka heli jireen magaalada Baraawe oo ay gacanta ku haysay lixdii sano ee ugu dambeysay.

Ma jirto wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen ciidamada huwanta xarakada Al-shabaab magaalooyinkii u dambeeyay ee lagala wareegay.