U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Galmudug oo Ku Wajahan Ceelbuur

Sheeko:Amniga

Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa wada- qorshe ay ku – doonayaan in gudaha ugu galaan degmada Ceelbuur ee gobolka galgaduud ee bartamaha dalka.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa sheegay in ay u diyaargaroobeen in kooxda Al- Shabaab ay ka saraan marka degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur , halkaas oo kooxda in muddo ay gacanta ay ku hayaan.

Ciidanka Galmudug ayaa u jihaystay dhawaan dhinac degmada Ceelbuur si ay gogol xaar ugu noqdaan ciidamada is garabsanaya si ay u meesha ugu saaraan Al- Shabaab.

Dowladaha Jabuuti, Itoobiya & Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidan ku howlgalla fasaxa Midowga Afrika iyo Taageerada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyaga oo xiran Magaca howlgalka KMG ah ee ATMIS.

Dowladda Federaalka waxa ay sheegtay in waaya-aragnimo wanaagsan laga dhaxlay wajigii koowaad ee howlgallada ee ka dhacay Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug.

Ciidamada dowladda iyo iyo deegaanka ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay howlgallo ka wadeen deegaanno ka tirsan Galgaduud, kaas oo u jeedkiisu yahay sidii lagu gaari lahaa degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Goobjoog News