U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Itoobiya Oo Faarujiyey Deegaanka Moqokori Ee Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay faarujiyeen deegaanka Moqokori ee gobolkaasi.

Aroortii hore ee saakay ayaa laga war helay ciidankaan oo ka baxay fariisinkii ay ku lahaayeen deegaankaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka deegaankaasi oo aan arrintan wax ka weydiinnay waa ay ka gaabsadeen, waxaana kaliya ay sheegeen in ciidankaan uu bannaanka uga baxay Moqokori.

Lama oga sababta keentay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay isaga baxaan deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Marar badan sidaan oo kale ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya waxay uga baxeen deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News