U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Itoobiya Oo Howlgallo Ka Wada Gobolka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ay ka soconayaan howlgallo ballaaran oo ay wadaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.

Ciidamadan ayaa saakay ku baxay deegaanno la sheegay in duleedka ay ka yihiin degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo howlgalkaan hoggaaminaya ayaa si kooban inoogu sheegay in ulajeedkoodu tahay xaqiijinta amniga deegaannada ku dhow degmada Ceelbuur.

Lama soo sheegin wax iska horimaad ah oo ciidankaan ay kala kulmeen Xarakada Al-shabaab, welina lama sheegin cid howlgalkaan lagu soo qabtay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News