U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Jubbaland Oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaan Ka Tirsan J/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa la wareegay gacan ku heeynta tuulada Buulo-gaduud ee Gobalka Jubada hoose.

Wararka aanu ka heleyno deegaankaas ayaa sheegaya in dagaal khasaare geystay uu halkaa ka dhacay, iyadoo ciidanka dowladda iyo xarakada Al -shabaab ay halkaa waqti badan ku dagaallameen.

Waxaa la soo sheegayaa inta ciidanka dowladda aysan gelin tuuladaas ay la kulmeen qaraxyo miino oo dhulka lagu aasay.

Waxaa jira dhaawacyo soo gaaray ciidanka dowladda oo lasoo gaarsiiyay isbitaalka Kismaayo.

Xaalada tuulada Buulo-gaduud ayaa lagu soo waramayaa in hada ay yara daggan tahay walow ciidankii lagala wareegay ee xarakada Al-shabaab aysan ka fogeyn deegaankaasi.

Goobjoog News