U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda iyo Shabaab oo ku dagaalmaya Gobalka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo saaka ka  dhacay deegaanka Bukure oo ka tirsan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkaasi lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Gaashaanle Sare Maxamuud Xasan Ibraahim Bakay oo ah Taliyaha Guutada Shanaad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada  ay dileen 15 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo uu sheegay in ay ku dileen deegaanka Bukure.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in howlgalkaasi lagu soo qabtay dhowr qori oo ah nooca AK47 iyo BKM ah, waxaana ciidamada ay gacanta ku dhigeen deegaanka oo ay horay ugu sugnaayeen xubna ka tirsan ururka alshabaab.

Goobjoog News