U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanno Ka Tirsan J/hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Jubbaland ay maanta Al-shababa kala wareegeen deegaanno duleedka ka ah magaalada Kismaayo.

Ciidamada ayaa la sheegay inay la wareegeen deegaannada kala ah Cabdalla Biroole iyo Janaay Cabdalle oo qiyaastii 60-km u jira magaalada Kismaayo.

Wxaa jiray iska horimaad aan badneyn oo ciidankaan ay kala kulmeen Xarakada Al-shabaab, balse wax khasaare ah lama soo sheegin.

Ciidankaan la wareegay deegaannadan waxay shalay gelinkii dambe ka dhaqaaqeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Dhawaan ayeey ahayd markii madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu sheegay in la billaabi doono dagaallo uu sheegay in Al-shabaab looga saarayo deegaannada Jubbaland.

Goobjoog News