U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda oo Al-shabaab Ka Saaray Deegaanno Ka Tirsan Galgaduud

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo howlgallo ka wada qeybo kamid ah gobolka Galgaduud ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaan hoostaga degmada Ceeldheere ee gobolkaas, sidoo kale ciidanka ayaa burburiyay fariisimo ay Shabaabku ku lahaayeen tuulooyin hoostaga deegaanka Budbud.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa Gacanta ku dhigay deegaanka Dahar Faqay oo hoos yimaada  Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud, iyadoo saraakiisha Ciidamadu ay sheegeen in goobtaas ay ku dileen  Horjooge Al-shbaab u qaabilsanaa Galgaduud kaas oo lagu Magacaabi jiray Ilkacase.
Sidoo kale dagaal saacado qaatay  oo dhexeeyay Ciidamada dowlada iyo kuwa dadka deegaanka oo isku dhinac ah iyodagaalamayaasha  Al-shabaab ayaa waxa ka dhacay tuulada Habar Gacalo oo hoos tagta deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud, dagaalka ayaa geystay khasaare xooggan oo soo kala gaaray dhinacyada.
Dagaalka ayaa waxa uu yimid ka gadaal markii ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dad deegaanka ay saaka weerar culus ku qaadeen Fariisimo al shabaab ay ku lahaayeen tuulada Habar Gacalo oo hoos tagta deegaanka Budbud oo shalay ay lawareegeen Ciidmada dowlada, oo gacan ka helaya kuwa deegaanka iyo Darawiishta.

War lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka dowlada ayaa lagu sheegay in howlgaas ciidamada dowlada ay ku dileen 9 xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab, waxaana intaa lagu daray in la burburiyay fariisimo ay deegaankaas ku lahaayeen al-shabaab, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda.

Maalmihii lasoo dhaafay Ciidmada dowlada ayaa waxaa usuurta gashay in ay lawareegaan gacan ku heynta deegaanno iyo dagmooyin ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud tan iyo markii uu bilaabmay wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah al shabaab, kaas oo ka dhacay Hirshabeelle iyo Galmudug.

Goobjoog News