U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaan Ka Tirsan Gobolka J/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanka Beerxaano ee gobolka Jubada Hoose.

Deegaankaan oo ku dhow gobolka Jubada Hoose ayaa la sheegay in ciidanka ay weerar ku qaadeen, iska horimaad kooban kadibna ay kala wareegeen dagaalyahannada Al-shabaab oo halkaasi maamulayey.

Lama soo sheegin khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhalatay qabashada deegaankaasi.

Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen inay ciidanka billaabeen howlgallada Al-shabaab looga saarayo deegaannada Jubbaland.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa dhawaan sheegay inuu billaabanayo howlgalka Wabiga Jubba, kaasi oo Al-shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin Jubbaland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News