U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaan Ka Tirsan Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Deegaanka Bariire  ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaa ka dhacay Dagaal saacado qaatay, kaasi oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda Federaalka oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah.

Dagaalkan waxaa ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, walow aan la xaqiijin tirada rasmiga ah ee khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa u suuragashay iney la wareegaan gacan ku haynta deegaanka Bariire, ee Shabellaha Hoose, iyadoo dagaalyahannada Al-shabaab ay halkaasi dib uga baxeen.

Dadka degaankaasi qaarkood oo la hadlay Goobjoog News, waxay sheegeen in xaaladdu ay tahay mid deggan, islamarkaana ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay halkaasi ka wadaan howlgallo.

Waxay sheegayaan dadkan iney ka baqayaan in deegaankaasi ay hadane isaga baxaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM sidii marar horeba dhacday.

Saraakiisha ciidanka dowladda weli wax war ah kama aaney soo saarin dagaalkaasi, walow weerarka ay qaadeen ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News