U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo AMISOM Kala Wareegaya Ammaanka Dalka

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gabagabeeyay shir muddo Shan maalin ah u soconayey laamaha ammaanka dalka iyo sidoo kale AMISOM, kaasi oo looga hadlayey sidii loo xoojin lahaa guud ahaan amniga dalka.

Waxaa shirkaan diiradda lagu saaray horumarinta amniga, tababaridda iyo qalabeynta ciidanka dowladda iyo sidii ay ciidamada ugala wareegi ilahaayeen AMISOM mas’uyuliyadda amni ee dalka marka ay ciidankaasi baxayaan.

C/rashiid C/laahi Maxamed oo ah wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey waxyaabaha shirkaan looga hadlay iyo sidoo kale waxa la isku fahmay.

“Shirkan waxaa uu socday muddo 5 maalmood ah ayuu Muqdisho, ka socday, waxaana goog jog ka ahaa, dhaman hay’adaha ammaanka dalka hadii ay ahaan lahaayeen nabad sugidda, militariga iyo dhamaan sarakiisha amniga, waxaana laga hadlay , horumarinta amniga, tababaridda iyo qalabaynat ciidamada, iyo sidii AMISOM ay amniga ugu wareejin lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka.

Waxa uu tilmaamay wasiirka sidoo kale in askariga ugu horreeya ee AMISOM la qorsheynayo in dalka uu ka baxo dhammaadka sanadkan, iyadoo ciidamada AMISOM ay si tartiib tartiib ah u bixi doonaan, amnigana ay kala wareegi doonaan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Goobjoog News