U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Dagaal Kula Wareegay Deegaanno Ay Maamulayeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dagaal waxay kula wareegeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe oo ay maamulayeen Xarakada Al-shabaab.

Wararku waxay sheegayaan in ciidanku ay gacanta ku dhigeen dhowr deegaan oo hoostaga degmada Mahadaay ee Shabellaha Dhexe.

Saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in weerarka ay lahaayeen ciidamada dowladda, islamarkaana halkaasi uu ka dhacay dagaal culus.

Lama shaacin tirada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, hase ahaatee weli deegaannada qaar rasaas ayaa laga maqlayaa sida ay goob joogayaal inoo sheegeen.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News