U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Degmada Wadajir Ku Qabtay Hub Iyo Waxyaabaha Maanka Dooriya

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ay habeenkii xalay ahaa ka sameeyeen xaafado ka mid ah degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qabteen waxyaabaha maanka dooriye iyo hub.

Howlgalkaaan ayaa ahaa mid saacado socday waxayna ciidamada qabteen maandooriyeyaasha Xashiiska iyo Qamriga, sidoo kalena waxay gacanta ku dhigeen Labo qori iyo Labo bistoolad oo si sharci darro ah degmadaasi loogu heystay.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan ayaa sheegay inuu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana la doonayey in lagu qabto waxyaabaha amniga lagu carqaladeynayo.

Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigey dad ku sugnaa hoygii lagu qabtay waxyaabahan maanka dooriya iyo hubka, balse tiradooda inta ay la egtahay lama sheegin.

Ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xoojiyey howlgalka ay kula dagaallamayaan waxyaabaha Maanka dooriye iyo sidoo kale dadka amni darada ka wada magaalada.

Goobjoog News