U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Dhaqdhaqaaqyo Ka Wada Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in dhaqdhaqaaqyo ciidan ay saakay oo Arbaco ah ka wadaan deegaanno kamid ah gobolka Baay.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamo badan oo ka baxay magaalada Baydhabo ay gaareen deegaanka Goofgaduud Shabeellow oo qiyaastii 30-km u jira magaaladaasi, halkaa oo maalintii shalay ahayd lagu dagaallamay.

Xaaladda guud ee deegaanka Goofgaduud Shabeellow saakay waa mid deggan, walow uu aad u saameeyay dagaalkii xoogganaa ee shalay ka dhacay deegaankaasi.

Inta badan waxaa halkaasi isaga barakacay dadkii shacabka ahaa ee degannaa, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab halkaasi ku dagaallamayeen in ka badan 6-saac.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helay deegaankaasi waxay sheegayaan in ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka K/galbeed ay halkaasi ku sugan yihiin, Al-shabaabna ay dib uga baxeen meelihii ay ka qabsadeen deegaankaasi.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Baay weli wax faah faahin ah kama aanay bixin dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Goofgaduud Shabeellow.

In ka badan 10 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa dagaalkii shalay ku dhintay, iyadoo 20 kalena ay ku dhaawacmeen halkaasi.

Goobjoog News