U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Dib Ula Wareegay Gacan Ku Haynta Degmada Ruunirgood Ee Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay dib ula wareegeen gacan ku haynta degmada Ruunirgood ee gobolka Shabellaha Dhexe halkaasi oo maalin kahor dagaal ay ku qabsadeen ciidanka Al-shabaab.

Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay inay dib uga baxeen degmadaasi, islamarkaana ciidanka dowladda ay halkaasi ku laabteen dagaal la’aan.

Waxaa saaka deggan xaaladda guud ee degmada Ruunirgood, hase ahaatee waxaa laga baqayaa dagaallo kale oo halkaasi ka dhaca.

Dagaalkii ka dhacay degmada Ruunirgood kama aanay qeybgalin ciidanka AMISOM oo kaliya waa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Maxamed Aadan Axmed ayaa shalay ciidanka waxa uu ku kormeeray deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe gaar ahaan deegaanka Xaaji Cali iyo deegaanno ku dhow degmada Cadalle.

Waxa uu taliyaha ku dhiirageliyey ciidanka xoogga dalka in ay xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab, sheegayna in howlgalkaan aanu joogsan doonin inta Al-shabaab laga saarayo gobolkaasi.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan waxay Al-shabaab ka qabsadeen deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News