U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Gobalka Shabellaha Hoose Ka Billaabay Howlgallo Lagu Qaadayo Isbaarooyinka

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa xoogga dalka ayaa deegaanno badan oo ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, waxa ay ka bilaabeen howlgallo lagula dagaallamayo kooxaha dhigta Isbaarooyinka.

Taliyaha Guutada Lixaad ee ciidamada xoogga dalka Axmed Maxamed Tareedishe ayaa u sheegay Goobjoog News, in howlgalkaan uu yahay mid amniga lagu soo celinayo, islamarkaana ay qaadeen Isbaarooyin badan.

Waxa uu taliyaha sheegay in deegaan walba oo ka mid ha gobalka Shabellaha Hoose, islamarkaana ay taallo Isbaaro ay ku baxayaan ciidamada xoogga dalka, si dadka ay Nabad galyo wadooyinka ugu isticmaalaan.

“Deegaan walba oo ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose ayeey ciidamada ku bixi doonaan, sidoo kale ciidamada waxa ay ku guuleysteen inay qaadaan Isbaarooyin badan oo kooxo burcad ah u dhigteen dadka shacabka ah” ayuu yiri Taliyaha.

Sidoo kale Taliye Tareedishe ayaa sheegay in qofkii ay ku qabtaan isaga oo isbaaro dhiganaya ay sharciga hor keeni doonaan, islamarkaana tallaab adag laga qaadayo.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan gobalka Shabellah Hoose ayaa soo dhaweeyay howlgallada lagu nadiifinayo kooxaha isbaarooyinka u dhigta shacabka ku safra halkaasi.

Goobjoog News