U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo howl gallo dad badan lagu qabtay ka fuliyay Afgooye

Sheeko:Dalka

Ciidamada nabad sugidda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe ilaa xalay howl gal dad lagu soo qab qabtay ka sameeyay degmadaAfgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Wararka ka imaanaya halkaasi ayaa sheegaya in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen dad dhalinyaro u badan oo lagu qiyaasay 50 ruux kuwaasi oo laga soo qabtay xaafadaha degmadaasi.

Waxaa la sheegay in dhalinyaradaasi la geeyay xarunta dugsiga sare ee degmada Afgooye oo ay deganyihiin ciidamada nabad sugidda ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska nabad sugidda dowladda oo lagu faah faahiyay howl galkaasi hase ahaatee taliyaha ciidamada booliska ee gobolka Shabeellaha hoose oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday arintaasi.