U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlagllo Ka Sameeyey magaalada B/weyne

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo amniga lagu sugayey waxay maanta ka sameeyeen xaafadda Kooshin ee magaalada B/weyne.

Ciidamadan oo isugu jira Booliis iyo Milatari ayaa la sheegay iney ku faafeen xaafaddaasi, waxaana ay soo qabteen rag u badan dhallinyaro.

Howlgalladan ayaa daba socda dil habeenkii xalay ahaa xaafadda Kooshin ee B/weyne loogu geystay Ganacsade lagu magacaabayey Daahir Mahad Alle.

Saraakiisha ammaanka ee magaalada B/weyne weli wax faah faahin ah kama aaney bixin howlgalkaan iyo tirada dadka ay soo qabteen.

Dilalka qorsheysan ayaa kusoo batey magaalada Baladweyne, waxaana saraakiisha amniga ay sheegaan in wax badan ay ka bedali doonaan amniga magaaladaasi.

Goobjoog News