U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Burburin Ah Ka Sameeyey Baardheer, Gedo

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay holwgllo burburin ah ka sameeyeen qaar ka mid ah xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ciidaman oo watey gaadiidka cagafta loo yaqaan ayaa burburin kula dhaqaaqay dhismeyaal badan oo la sheegay in si sharci darro ah looga dhisey waddooyinka degmadaasi.

Taliyaha ciidamada Booliiska degmada Baardheere Gaashaanle Cabdi Sheekh oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in guryo badan ay dumiyeen, kadib markii shalay ay ku ekeyd waqti loo qabtay dadka dhistay meelaha sharci darrada ah.

“Annaga howlgal ballaaran baan saakay sameynay, waxaan ku guuleysannay inaan burburinno guryo badan oo qaab sharci darro ah loo dhistay, ilaahay mahadiisa, dadkuna wey nagu taageereen howlgalkaasi” ayuu yiri taliyaha.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in  maalmaha soo aadan ay wadi doonaan howlgalkaan inta degmada Baaardheere laga suulinayo guryaha sida sharci darrada ah loo dhisay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Qaar kamid ah shacabka degmada Baardheere ee guryahooda la burburiyey ayaa sheegay in si sharci darro ah looga dumiyey guryahooda iyagoo ku baaqay in dowladda ay arrinkaasi wax ka qabato.

Goobjoog News