U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Dad Lagu Qabtay Ka Sameeyay Degmada Baraawe

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal waxa ay ka sameeyeen degmada Baraawe ee gobalka Shabellaha Hoose, kaasi oo dhowr qof lagu qabtay.

Howlgalkaan ayaa bilawday habeenkii xalay ahaa iyadoo illaa saaka ay wadeen ciidamada ka dib Bam gacmeed habeenkii xalay ahaa lagu weeraray fariisin ay ciidamada ku lahaayeen degamada Baraawe.

Gudoomiyaha degmadaasi Xuseen Barre Maxamed oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in hadda ciidamada ay hayaan 10 qof, kuwaa oo baaritaan lagu hayo.

“Bam ayaa xalay ciidamada lagu soo weeraray, waxaana howlgal la sameeyay lagu soo qabtay 10 qof, waxaa ku socda baaritaan si loo ogaado qofkii Bamka ka dambeeyay, wixii aan dambi lahayn waa la fasixi doonaa” ayuu yiri gudoomiyaha Baraawe.

Gudoomiyaha oo aynu wax ka weydiinnay khasaaraha ka dhashay Bamkii ciidamada lagu tuuray ayaa ka gaabsaday, iyadoo xaaladda guud ee degmada Baraawe ay tahay mid deggan.

Goobjoog News