U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Ka Dhan Ah Isbaarada Ka Billaabay Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal lagula dagaallamayo kooxaha dhigta Isbaarada ayaa waxay ka billaabeen deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose.

Gudoomiyaha deegaanka Leego ee gobalka Shabellaha Hoose, Abuukar Cabdullaahi Isaaq oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidamada ay ku baxeen wadada isku xirta deegaanka Leego iyo degmada Buurhakabada.

Waxa uu tilmaamay in hadda amniga uu yahay mid kasoo hagaagay sidii hore, islamarkaana ciidamada ay la dagaallami doonaan cid walba oo shacabka dhib ku haysa.

“Wixii jidka umadda ku dhibaaya meeshiisa ayaa lagu dilayaa, Seddax berina meydkiisa banaanka ayuu yaalli doonaan, annaga waxaan garawsanay inaan amniga deegaanka wax badan ka qabanno, ciidamada dowladda ayaana ku baxay wadada dheer si shacabka ay nabad u helaan” ayuu yiri gudoomiyaha Leego.

Gobalka Shabellaha Hoose ayaa inta badan dhibaato loogu geystaa dad shacabka ah ee halkaasi ku safraya, waxaana jirta kooxo wadada u gala gaadiidka safarka ah.

Goobjoog News