U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Ka Dhan Ah Isbaarooyinka Ka Wada Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay maanta howlagal saf ballaaran ah ka wadaan deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, kaasi oo lagula dagaallamayo Isbaarooyinka.

Ciidamadaan ayaa howlgalka ka wada inta u dhaxeysay Degmada Wanlaweyne iyo deegaanka Balli-doogle ee gobalka Shabellaha Hoose.

Gudoomiyaha deegaanka Leego Abukar Cabdullaahi Isaaq oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in howlgalkaan uu yahay mid ka ballaaran kuwii hore ee la sameyn jiray, uljeedkiisuna uu yahay in wadooyinka laga nadiifiyo Isbaarada shacabka lagu dhibaateeyo.

Waxa uu sidoo kale sheegay Gudoomiyaha in ciidamada xoogga dalka ay howlgalkaan wadaan, laguna guuleystay in degaanno badan laga qaado Isbaaro gaadiidka iyo shacabka lagu dhibaayay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News