U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Ka Sameeyay B/weyne

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa habeenkii xalay ahaa waxay howlgal ballaaran ka sameeyeen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo shalay uu ka dhacay qarax xooggan.

Ciidamadan ayaa baarayey xaafado ka tirsan magaalada B/weyne, waxaana lasoo sheegayaa iney jiraan dad lagu qabtay howlgalka, balse tiro ahaan dadkaasi lama sheegin inta ay la egyihiin.

Saraakiisha howlgalkaan horkaceysay qaarkood ayaa inoo sheegay in ulajeedkoodu tahay sugidda amniga guud ee magaalada B/weyne.

Qarax aad u xoogan ayaa shalay lagu weeraray saldhigga ciidamada Jabuuti ku leeyihiin magaalada B/weyne, gaar ahaan xaafadda Howlwadaag, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saakay, xaaladda guud ee magaalada B/weyne waa mid deggan, waxaana si caadi ah u socda adeegyadii bulshada.

Goobjoog News