U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Hawlgal Ka Sameeyey Degmada Wadajir

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay hawlgalka ballaaran ka sameeyeen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kaasi oo dad lagu soo qabtay.

Xaafadda Xaawo Taako ayaa la sheegay in ciidankaan ay howlgalka ka sameeyeen, waxaana lagu soo qabtay ku dhowaad 20 ruux sida dadka deegaanka u sheegeen Goobjoog News.

“Ciidamada xaafadda ayeey soo galeen, waxay sheegeen iney raadinayaan dad xiriir la leh Al-shabaab, waxay qabteen 20 ruux dad aan ku qiyaasnay, cid kalena dhib uma geysan, weyna naga tegeen” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadka ku dhaqan xaafadda howlgalkaan laga sameeyey.

Maamulka degmada Wadajir iyo saraakiisha amniga gobolka Banaadir weli wax war ah kama aaney soo saarin howlgalkaan.

Shalay ayaa rag ku hubeysan Bistoolado waxay degmadaasi ku dileen nin Oday dhaqameed ahaa, iyadoo gelinkii dambe ee shalay saxaafadda loo soo bandhigay Labadii nin ee la sheegay in ay dilka ka dambeeyeen oo ciidamada amniga soo qabteen.

Goobjoog News