U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Ka Wada Degmada Baraawe

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo Sabti ah ay howlgal amniga lagu sugayo ka wadaan degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka waxay sheegayaan in ciidamada ay isku faafiyeen dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmadaasi.

Maamulka degmada Baraawe ayaa si kooban warbaahinta ugu sheegay in aysan weli cidna howlgalkaan kusoo qaban, balse ay guriguri u baarayaan degmadaasi.

Meelaha qaar ma jirto isku socodka dadeynaha, waxaana xiran dhammaan goobaha laga dukaameysto ee degmadaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News