U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Ka Wada Degmada Mahadaay Ee Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa iney howlgal ka wadaan degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Howlgalkaan ayaa la sheegay inuu daba socdo dil shalay degmadaasi loogu geystay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugnaa suuqa xoolaha ee Mahadaay.

Guddoomiyaha degmadaasi Cabdullaahi Maxamed Xuseen Geeldoox oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in dilka askarigaasi ay ka dambeeyeen rag watay gaari NOHA ah, islamarkaana hadda ay ku raadjoogaan raggii falkaasi ka dambeeyay.

“Howlgalka waa uu socdaa, waxaana dilkaasi ka dambeeyay Maleeshiyada Al-shabaab, waxay galeen dhulka keynta ah, annagane waan ka dabagalnay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn, guddoomiye Geeldoox ayaa sheegay in hadda xaaladda guud ee amniga degmada Mahadaay ay tahay mid hagaagsan, islamarkaana aysan jirin dad loo soo qabtay howlgallada socda.

Goobjoog News