U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Amni Xaqiijin Ah Ka Wada Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Howlgallo ciidamada ay ku baarayaan dadweynaha iyo gaadiidka ayaa xalay illaa saaka ka soconaya xaafadaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxaa la arkayaa ciidamo badan oo gaaf wareegaya xaafadaha Baladweyne, sidoo kalena baaaraya dhammaan gaaadiidka soo galaya magaaladaasi.

Taliyaha saldhigga Booliiska B/weyne Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo si kooban ula hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in howlgalladaan ay yihiin oo kaliya kuwo lagu xaqiijinayo amniga magaaladaasi.

Waxa uu shacabka ku dhaqan magaaladaasi uu taliyaha ugu baaaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amniga islamarkaana anay dhib u arag howlgalladaan.

Shacabka Baldweyne ugama aanay baran ciidamada dowladda Soomaaliya howlgallada sidan oo kale ah, balse tani ayaa imaaanaysa xilli dhawaan maaamulka gobolka Hiiraaan uu sheegay inay sugayaan amniga guud ee magaaladaasi.

Goobjoog News