U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Dad Lagu Qabtay Ka Sameeyay Degmada Baraawe Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo waxay ka sameeyeen degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose kaasi oo dad badan lagu qabtay.

Inta la xaqiijiyey waxaa howlgalkaan ay ciidanka ku qabteen 20 qof oo lala xiriirinayo inay wada shaqeyn la leeyihiin Xarakada Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in howlgalkaan laga sameeyay dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Baraawe.

Dadka la qabtay ayuu sheegay in baaritaanno lagu wado, islamarkaana baaritaanka lagu kala saarayo qof walba oo Al-shabaab ah ama xiriir la leh waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ciidamada dowladda ayaa maalmahan dambe waxay howlgallo ballaaran ka wadeen degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News