U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Dhan Ah Al-shabaab Ka Wada Baay

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in holwgallo ka dhan ah Al-shabaab ay ka wadaan deegaanno hoostada degmada Berdaale ee gobolka Baay.

Weedow Cali Xasan oo ah guddoomiyaha degmada Berdaale ee gobolka Baay ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada dowladda iyo kuwa K/galbeed ay dagaallo la galeen Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in ulajeedka howlgalladan yahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada hoostada degmada Berdaale.

Waxa uu sheegay in ciidamada ay weeraraan meel walbo oo Al-shabaab lagu soo sheego, islamarkaana ay ku guuleysteen ciidanka iney khasaare gaarsiiyaan Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamada howlgal ballaaran ayeey ka bilaabeen deegaanno badan oo Berdaale ku dhow, waxaan dilnay 1 iyaga kamid ah, kadib markii meel 18-KM degmada u jirta ay ciidanka iyo Al-shabaab isaga horyimaadeen, waxaan ka furan hub iyo gaadiid, howlgalkana waa mid socda” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saaran wax aka jira in dhankooda khasaare uu kasoo gaaray dagaal ay la galeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka K/galbeed.

Goobjoog News