U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Sameeyay B/weyne

Sheeko:Dalka

Ciidmada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo amniga lagu sugayo waxay xalay ka sameeyeen magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, gaar ahaan xaafadda howlwadaag.

Howlgalkaan aya daba socday dil xalay halkaasi loogu geystay shaqsi la shegay inuu ka shaqeynayey dib u hagaajinta tiyaatarka qaranka ee B/weyne.

Ciidamada ayaa la sheegay iney gacanta ku dhigeen dhallinyaro badan, balse su’aallo ay goobta ku weydiiyeen kadib waa ay sii daayeen, mana jirto dad laga soo xiray halka howlgalka uu ka dhacay.

Saraakiisha ammaanka B/weyne ayaa sheegay in howlgalkaan ay ku raadinayeen raggii xalay dilka ka geystay magaaladaasi.

Dilalka qorsheysan ayaa maalmahan dambey waxay kusoo noqnoqdeen magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Goobjoog News