U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Sameeyay Gedo

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa howlgallo waxay ka sameyeen deegaanno ku dhow degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Howlgalladan ayaa ahaa kuwo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab, waxaana ay ciidamada soo qabteen tiro dad ah oo la sheegay in looga shakisan yahay iney kamid yihiin Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-qaadi, oo wareysi siiyey Goobjoog ayaa sheegay in howlgalladan ay daba socdaan hadalkii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in lala dagaallamayo Al-shabaab.

Wuxuu tilmaamay in sidoo kale ay weerar ku qaadi doonaan deegaanno badan oo Gedo ah, lana dagaallami doonaan Xarakada Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Kadib kulan wadajir ah oo aan wada yeelannay annaga iyo sidoo kale waxgaradka Gedo waxaan isku raacnay in nabadda laga shaqeeyo, waxay ciidamada dowladda sameeyeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, waxay ciidanku baacsanayaan nabad diidka Al-shabaab, howlgalladanna ma ahan kuwo joogsanaya inta Al-shabaab gobolka oo dhan laga xoreynayo” ayuu yiri Al-qaadi.

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka Gedo, mar uu soo hadal qaaday duqeynta ay diyaaradaha Kenya ka geystaan gobolkaasi ayuu sheegay iney kala hadleen in howlgallada duqeynta ah ay maamulkooda kala tashtaan, markii ay wax duqeynayaanna uu maamulka Gedo ka warqabo.

Goobjoog News