U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Sameeyay Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in howlgallo ballaaran ay saakay illaa iyo xalay ka sameeyeen deegaanno kamid ah gobolka Shabellaha Dhexe.

Howlgaladan ayaa ciidankan waxay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Jowhar iyo sidoo kale Mahadaay ee gobolkaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan howlgalka wada ayaa u sheegay Goobjoog News, in ulajeedka howlgalkaa uu yahay mid lagu sugayo ammaanka.

Saraakiishan ma aanay sheegin cid ay kusoo qabteen howlgalladan, balse wararku waxay sheegayaan in ciidanku ay radinayaan dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab iyo sidoo kale rag mararka qaar halkaasi isbaarooyin u dhigta dadka shacabka ah.

Ciidamada dowladda ayaa maalmahan dambe xoojiyey howlgallada amni ee ay ka wadaan deegaanno kamid ah gobolka Shabellaha Dhexe.

Goojoog News