U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Baardheere

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo waxay ka wadaan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Deeq Qalinle, taliyaha ciidamada dowladda ee Baardheere ayaa sheegay in ulajeedka howlgalkaan yahay sidii loo xoojin lahaa ammaanka iyo kala dambeynta magaalada.

Waxa uu tilmaamay taliyaha in kaliya howlgalkaan aanu ku ekeen degmada Baardheere ee sidoo kale ay gaaraan deegaannada kale ee ku dhow degmadaasi.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay inay jiraan rag ay ku soo qabteen falalka amni darro, isla markaana ay haatan ku wadaan baaritaanno, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamada ammaanka waa ay xoojiyeen, waxa ay haatan wadaan howlgallo ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayo, ilaa magaalada bannaankeeda ayaan tagnaa, waxaa jira dad aan usoo xirnay amni darrada, waxaan ku wadnaa baaritaanno” ayuu yiri taliyaha.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa degmada Baardheere ka dhacayey falal amni darro ah, sida qaraxyo iyo dilal.

Goobjoog News