U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Bariire

Sheeko:Dalka

Wararka saakay oo Axad ah ka imaanaya deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay howlgallo ballaaran ka wadaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa baaraya dhammaan guryaha ku yaalla Bariire, iyadoo weli aan la sheegin cid lagu soo qabtay howlgalkan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa shalay waxay Al-shabaab kala wareegeen deegaanka Bariire, iyaga oo markii ugu horreysay xalay halkaasi ku hoyday.

Marar badan oo ciidamadan ay la wareegeen Bariire ayeey hadana saacado kadib halkaasi dib uga laabteen.

Inta badan shacabkii ku dhaqnaa deegaanka Bariire ayaa isaga barakacay, kadib markii ay ka baqeen dagaallo ka dhaca deegaankaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News