U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Degmada Jowhar

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Xoogga Dalka, Booliis iyo Nabad sugid ayaa waxay maanta howlgal wadajir ah ka wadaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Howlgalkaan ayeey ciidanka waxay si gaar ah uga wadaan xaafadda Kulmis ee magaalada Jowhar, waxaana gabi ahaanba xaafaddaasi aan ka jirin wax dhaq dhaqaaq ah oo shacabka ah.

Ciidamada ayaa bartilmaameedsanaya qaar kamid ah guryaha ku yaalla xaafadda Kulmis ee degmada Jowhar, waxaana la sheegay in howlgalkaan lagu soo qabtey dad aad u badan.

Dhammaan dadka lasoo qabtey ayaa waxaa la isugu geeyey goob fagaare ah oo ku yaalla Xaafadda Kulmis, waxaana saraakiisha ay sheegeen in ay sugayaan amniga degmada Jowhar.

Howlgalladan ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeeyey ay degmadaasi ka dhaceen dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

20-kii bishan qarax lagu weeraray saldhigga Booliiska degmada Jowhar, waxaa ku geeriyoodey taliyahii ciidamada Booliiska ee Shaballaha Dhexe, Khaliif Cabdulle Carfaaye.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News