U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay howlgallo ballaaran ka wadaan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo amniga magaalada lagu sugayo.

Waxaa la arkayaa ciidamo aad u badan oo taagan waddooyinka magaalada, kuwaasi oo baaraya gaadiidka dadweynaha, sidoo kalena su’aallo ama aqoonsiyo weydiinaya darawallada kaxeynaya gaadiidkaasi.

Ciidamada ku sugan nawaaxiga warshadda Caanaha ee Muqdisho ayaa la arkayaa iyaga oo wada howlgallo aad uga duwan kuwa kale ee magaalada ka socda, islamarkaana si aad ah u hubinaya gaadiidka halkaasi maraya.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in ciidamada ay hayaan dhallinyaro ay ka shakiyeen, kuwaasi oo su’aallo la weydiinayo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ammaanka magaalada Muqdisho aad u adkeysay inta lagu guda jiro bisha Ramadan, iyadoo magaalada lagu soo daadiyey ciidamo dheeraad ah oo ammaanka suga.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News