U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda oo Howlgallo Qorsheysan Xaafadaha Muqdisho Ka Sameeyay

Sheeko:Amniga

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxayo howlgallo qorsheysan oo xalay ciidamada dowladda ay xalay ka fuliyeen qaar kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir.

Howlgalkan oo ciidamada ay ka fuliyeen qaar kamid ah degmooyinka xiga bariga magaalada ee  sida Yaaqshiid, Kaaraan iyo Heliwaa, ayay ciidamadu ku soo qabtan hub iyo maandooriyayaal.

Ciidamada howlgalka sameeyay ayaa waxaa horkcayay taliyaha booliiska gobalka Banaadir Farxaan Qaroole iyo Taliyaha qaybta Bari ee Booliska Cali Calasow Cali.

Intii uu howlgalka socday ciidamada ayaa gacanta ku soo dhigay rasaas iyo hub kala duwan, kuwaas oo la iibinayay iyo waxyaabaha maanka dooriyo.

“Shaqo waa noo bilaabatay, waana noo waqtigeedii iyo halka looga ballamay dhammaan inta ka qayb-qaadatayna waa mahadsan yihiin,” ayuu yiri Cali Calasow Xasan.

Ciidamada dowladda ayaa muddooyinkii la soo dhaafay howlgallo qorsheysan oo lagu baacsanayo kooxaha falalka amni darrada ah ka gaysta caasimadda ka waday degmooyinka gobalka Banaadir.

Goobjoog News