U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo howlgalo ka wada magaalada Marka ee Shabeelaha Hoose (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalo waxay ka wadaan magaalada marka ee gobalka Shabeelaha Hoose, kaa oo lagu xaqiijinaayo amaanka guud ee magaaladaasi.

Taliyaha ciidamada booliiska ee gobalka Shabeelaha Hoose Ismaaciil Axmed Cismaan ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ciidamada ay wadaan howlgalo amniga lagu xaqiijinaayo.

Ciidamada Booliiska ee Marka ku sugan ayuu sheegay in ay sugeen amaanka xaafadda Ruusiya oo shalay dagaalo ay ka dhaceen, waxaana uu tilmaamay in dhibaatada badi ay dhacdo marka ciidamada AMISOM ay magaalada soo galaan halkaasi.

Shalay waxaa dhacay dagaal sababay geerida Shan caruur ah, waxaana ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab ay si weji ka weji ah ugu dagaalameen halkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga Taliyaha.