U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda oo Kala Dhexgalay Maleeshiyo Beeleed Ku Dagaalamay Xadka Soomaaliya iyo Itoobiya

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kala dhex galay Labo Malleeshiyo Beeleed oo ku dagaallamay degaanka Balli-cad  oo dhaca xadka gobalka Galgaduud uu la wadaago dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa booqday degaannada lagu diriray, markii ay Ciidamada Qaranku la wareegeen degaannada lagysku hayo, waxaana la filayaa in ay goobta gaaraan Odaasha dhaqanka ee Beelaha ay dirirtu dhex martay si loo kala qaado Malleeshiyaadkii dagaallamay.

Dagaal Maalin ka hor ka dhacay Balli-cad ayaa waxaa ku geeriyootay in ka badan 15 Qof oo ka tirsan Labada djinac, iyadoo tira intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Waa markii ugu horaysay oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya halkaas gaaraan tan iyo wixii ka dambeeyay 1983-dii, sida ay warbaahinta Qaranka u sheegeen Odayaasha degaanka.

Goobjoog News