U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Deegaanno Al-shabaab Kaga Sugnaayeen Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa xaqiijiyey in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay dagaal kula wareegeen deegaanno ka tirsan gobolkaas, kuwaasi oo ay maamuli jireen Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyadda ee gobolkaasi, C/fitaax Cabdulle Yuusuf oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay qabsadeen deegaanno badan oo hoostaga degmada Kutuwaareey ee Shabellaha Hoose.

Waxa uu tilmaamay guddoomiye ku xigeenka in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa K/galbeed ay lahaayeen weerarka, islamarkaana ay hadda si buuxda gacanta ugu hayaan deegaannada, welina ay meello kale ku wajahan yihiin.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in khasaare xooggan ay gaarsiiyeen dagaalyahannada Al-shabaab, balse inta uu la egyahay khasaarahaasi ma aanu sheegin.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmahan dambe waxay wadeen diyaar garow badan oo ku aadan iney weeraraan meelaha ay dalka kaga sugan yihiin dagaalyahannada Al-shabaab.

Goobjoog News