U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Magaalooyin Horleh Qabsaday

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee waaxda 9-aad ayaa sheegtay in ay Al-shabaab ka qabsadeen 4 tuulo oo ku dhaw degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Tuulooyinka ayaa kala ah Mataano, Caanoole, Tubaako iyo Qutuley, dowladda waxaa ay sheegeysaa in haatan ay gacantooda ku jirto.

Cusmaan Sheekh oo ka tirsan saraakiisha dowladda ayaa saxaafadda u sheegay in weerarkan uu qeyb ka yahay dagaallo Al-shabaab ay uga saarayaan deegaanka.

Weerarkan oo Isniintii ay qaadeen ciidamada ayaan la soo tabin wax khasaare ah.

Goobjoog News