U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Muqdisho Ku Qabtay Gaari Hub Iyo Walxaha Qarxa Saaran Yihiin

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan ku nabad sugidda iyo sirdoonka ayaa la sheegay in howlgal ay ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku qabteen gaari la sheegay in laga soo buxiyey walxaha qarxa sidoo kalena saaran yihiin hub kale.

Gaarigan ayaa laga soo qabtay sida la sheegay mid ka mid ah hoteellada ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Saraakiil u hadashay NISA ayaa xaqiijiyey inay gacanta ku hayaan dadkii lahaa gaarigan iyo dad kale oo la tuhmayo.

Ma jirto faah faahin kale oo intaan ka dheer taas oo ku saabsan gaarigan ay qabteen ciidanka NISA habeenkii xalay iyo sidoo kale hubka saaran waxa uu kala ahaa iyo inta uu la egyahay.

Tani ayaa imaanayso xilli shalay Labo qarax oo gaari loo adeegsaday ay ka dhaceen albaabka hore ee Xalane halkaasi oo khasaare uu ka dhashay.

Goobjoog News