U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Weeraray Saldhig Al-shabaab Ku Lahaayeen Duleedka Kismaayo

Sheeko:Dalka

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa maamulka Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in waabarigii saaka ay weerar ku qaadeen saldhig Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Buulo-gaduud ee gobolka Jubada Hoose, halkaasi oo khasaare uu ka dhashay.

Dagaalkaasi ayaa soconayey in ka badan Saacad, waxaana Labada dhinac isku adeegsadeen hub culus.

Ugu yaraan5 qof ayaa ku geeriyootay dagaalkaasi iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Maamulka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo kusoo bandhigay Meydadka dagaalyahanno ka tirrsan Al-shabaab oo ay sheegeen inay ku dileen dagaalkii Buulo-gaduud.

Xarakada Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal dagaalkaasi iyo sidoo kale khasaaraha soo gaaray.

Deegaanka Buulo-gaduud ayaa qiyaastii 30 km waxa uu u jiraa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Goobjoog News