U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howl gallo ka fuliyay magaalada Marka

Sheeko:Dalka
Magaalada Marka
Magaalada Marka

Wararka laga helayo magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in magaaladaasi ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka fuliyeen hawl gal la sheegay in ammanka lagu sugayo.

Hawl galkan ayaa ka dambeeyay markii magaalada lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xaafadaha magaalada Marka ayaa la sheegay in ciidamada gudaha ay u galayeen kuwaas oo baadi goob ugu jiray kooxihii dilka fuliyay.

Tiro   dad ah ayaa la xaqiijiyay in ciidamada ay ku soo qab qabteen hawl galka ay ka fuliyeen xaafadaha magaalada Marka.

Saraakiisha dowladda ee ku sugan magaalada Marka ma aysan ka hadlin hawl galka iyo dilka magaaladaasi loogu geystay askariga ka tirsanaa ciidamada dowladda.