U bood dhigaalka

Ciidamada Dowldda Iyo Kuwa AMISOM Oo Faarujiyey Deegaan Ka Tirsan Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa inay faarujiyeen habeenkii xalay ahaa deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay.

Guddoomiyaha deegaankaasi Xuseen Wardheere oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay inay isaga soo baxeen deegaankaasi, waxaana uu sheegay in AMISOM ay u yeertay una sheegtay inay guurayaan.

“AMISOM ayaa inoo wacday xalay waxay inoo sheegeen inay ka guurayaan Goof-gaduud, hadde annaga waxaan isku daynay inaan sii joogno hase ahaatee waan isaga soo baxnay halkaasi” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhinaca kale markii ciidankan is garabsanaya ay kasoo baxeen deegaanka Goof-gaduud ee gobalka Baay ayaa la xaqiijiyey in halkaasi ay la wareegeen ciidanka Xarakada Al-shabaab.

Lama oga illaa iyo haatan sababta ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM uga soo baxeen deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay.

Goobjoog News