U bood dhigaalka

Ciidamada Imaaraadka Carabta Oo Soo Riday Diyaarad Ay Leedahay Iran

Sheeko:Caalamka

Ciidamada  cirka ee waddanka Imaraadka carabta oo kusugan waddanka Yeman ayaa waxay soo rideen diyaarad Dorones oo ay leedahy dowladda Iran  sida wakaaladd wararka Imaraadka ay ka soo xigatay sargaal  Millatariga Yeman ah.

Ilaa iyo hadda kama hadlin  dhanka Iran iyo kooxaha Xuuthiyiinta ah sheegashadaan la soo riday diyaaraddan iyadoo la ogyahy  in kooxaha Xuuthiyiinta ah ay marar badan ay iska fagooyeen dhaliilo ku aadan inay dhanka Iran ay ka helaan hub.

Imaaraadka ayaa waxuu xubin ka yahy isbahaysiga carbeed ee milltari uu hogaaminayo Sacuudiga  taasoo uu ku taageerayo dowladda Yeman ee sharciga ah taasoo laga aqoonsanyahy beesha caalamka muddo labo sano ah waxaan ka soo horjeeda kooxaha Xuuthiyiinta ee isbahysiga la leh waddanka Iran.

Tani waxay umuuqataa markii ugu horrysay uu isbahaysiga uu ku tuhmo in Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ah ay adeegsadaan diyaarado Dorones ah oo lagu soo sameeyay waddanka Iran.

Goobjoog News